Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay in ay si dhow ula socotay tan iyo markii Kenya laga xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyey ee cudurka Ebola (fayraska Bundibugyo), ayaa ku dhawaaqday inay heegaan sare la galiyey shaqaalaha caafimadka ee ka howlgala marinada iyo xaduudaha laga soo galo dalka, si feejignaan gaar ah loogu yeesho xanuunka Ebola.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laamaha kala duwan ee caafimaadka ee Dowladda ay si dhow ula socdaan xaaladda cudurka Ebola, balse aan ilaa hadda la xaqiijin wax kiis ah Soomaaliya.
Dr Xuseen Abuukar oo ah Agaasimaha guud ee Machadka caafimaadka qaranka oo qaabilsan cilmi baarista caafimadka dalka & ka jawaabista xaaladaha degdega ah ee curada dilaaca ayaa sheegay in Dowladda ay hora yuga warheysay xaaladaha Ebola iyo wararkii ugu dambeeyey, balse ay hadda dhaqan galin doonto talaabooyinka ka hor tagga ah. Wuxuu sheegay in Garoonka Muqdisho dadka soo gali doono ee ka yimaada Kenya iyo Uganda ay mari doonaan tallaabooyin baaritaanka.
Wasaaradda Caafimaadka waxay ugu baaqday dadweynaha in qof kasta oo isku arka qandho, daal badan, madax xanuun, muruq xanuun, matag, shuban ama dhiig bax uu si degdeg ah ula xiriiro xarunta caafimaad ee ugu dhow.
Sidoo kale, dowladda Soomaaliya waxay tilmaantay in ay xoojinayso tallaabooyinka digaargarow, ogaanshaha hore iyo jawaabaha degdeg ah ee la xiriira ka hortagga cudurka faafa ee Ebola.
HBN ONLINE TV

