Dowladda Soomaaliya ka jawaabtay eedeymo kaga yimid Khariirad hadal heyn abuurtay

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay eedeymo iyo dhaliilo kala kulmay oo uga yimid madax iyo siyaasiinta maamul goboleedyada qaar ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta keentay Map-ka ay soo bandhigeen oo hadalheyn abuuray.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirka Batroolka XFS oo ka jawaabay eedeha uga yimid madaxda iyo siyasiinta ayaa sheegay in marka hore ay qaadanayaan qaladka, aysana jirin meel ay maamul goboleed uga tageen, midna kaga saareen, balse ay jiraan sida uu yiri “dad raadinaya dano gaar ah”.

Waxaa uu wasiir Cabdirisaaq nasiib darro ku tilmaamay sida uu hadalka u dhigay in madaxweynaha Puntland uusan garan in qariiradda la sameeyey sanadkii 2015-kii.

“Ma jirto meel aan maamul goboleed ugu tagnay oo aan kaga saarnay Qariirada- Map-ka, waa Nasiib darro in Madaxweyne Deni uusan garan in qariiradaas la sameeyey 2015-kii” ayuu yiri wsiir Cabdirisaaq.

Sida oo kale waxaa uu si cad u sheegay in madaxweynaha Puntland uu diiday in sahmin laga sameeyo deegaannada maamulkaasi, isaga oo sida uu tilmaamay in ka hor istaagay dowladda dhexe in halkaasi baaris ka sameeyso.

Sawirka Qariiradaas ayaa abuurtay dood, iyada oo siyaaba kala duwan uga falceliyeen bulshada, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku andacootay in aan bulshada farxadooda laga dhex raadin dano gaar ah, iyada oo la rabo in laga niyad jabiyo howlaha hormarka ah ee ay wado.

Masuuliyiinta ka hadlay arinkan ayaa dhaliilo u jeediyey madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana ay ku doodeen in deegaannadooda sida hadalka u dhigeen lagu xaqiray, inkasta oo dadka arimaha Juquraafiyadda yaqaan ay shegeen in qarariidda iyo qaladka jira aysan waxba arimahaasi ku laheyn.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed