Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo weerar cirka ah ku qaaday kooxda Al shabaab ee ku sugan Galgaduud

Howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al shabaab, ayaa dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka, waxay weerar cirka ah ka fulisay magaalada Gal-hareeri ee gobolka Galgaduud. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan oo lagu doonayay in lagu beegsado xubnaha Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaare xooggan oo soo gaaray kooxda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa war kooban oo uu soo saaray ku sheegay in howlgalkaasi lagu guuleystay. Sida war-murtiyeedka lagu sheegay, dadaalka wada-shaqeyneed ee dhex maray ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu gaarsiiyay khasaare xooggan oo soo gaaray  Al-Shabaab.

“Howlgalku wuxuu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana lagu dilay xubno badan. Sidoo kale, waxaa lagu guuleystay in howlgalka lagu burburiyo Warshad ay ku shaqeysan jireen Walxaha Qarxa oo ay lahaayeen Kooxdaas iyo Idaacad,” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Wasiir Al-Cadaala oo ku tilmaamay howlgalka mid barakeysan ayaa muujiyay sida loogu guuleystay weerarka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu xusay in howlgalka uu socdo, isla markaana faah faahin dheeri ah oo ku saabsan khasaaraha guud ee kooxdaasi gaaray ay dib kasoo sheegi doonaan.

Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda, xulafada maxaliga ah iyo saaxiibada caalamiga ah ay dagaallo culus ka wadeen deegaano ka tirsan gobollada dhexe, ayaa haddana Al-Shabaab wax war ah kama soo saarin dhaqdhaqaaqyadan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed