Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo duqeyn cirka ah ka fuliyay gobolka Hiiraa isla markaana lala beegsaday Al shabaab

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa shisheeye ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay Garaash ay kooxdaasi ka soo abaabuli jireen qaraxyada ka dhaca gobollada dariska la ah Hiiraan, isla markaana uu ahay mid qorsheysan.

War saxaafadeed ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid guulo laga gaaray, islamarkaana gaadiid badan iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab lala beegsaday oo ku sugnaa Garaash goobta ku yaal, kaasoo si xooggan loo burburiyay.

War saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya laguma faah faahin khasaaraha guud ee ka dhashay howlgalkii maanta ka dhacay deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan, balse waxaa la filayaa in dowladdu ay faah faahin ka bixiso saacadaha soo socda.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo habeen hore sidan oo kale ciidamada dowladda iyo saaxiibo caalami ah ay ka fuliyeen garaash iyo guri ay daganaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku yaalla degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed