Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in duqayn culus oo dhanka cirka ah ay ka dhacday gobolkaasi, kaasi oo lala beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ay maamulaan.
Weerarka ayaa waxaa fuliyay ciidamada dowladda Federaalka oo garab ka helaya saaxiibo dhanka ammaanka ah, waxaana uu ka dhacay inta u dhaxeysa Caad iyo Jeex-jeex.
Ilo wareedyo ka tirsan Saraakiisha ciidanka ayaa sheegaya in duqeynta si gaar ah loola beegsaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray kooxda Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in goobta lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, balse tiradooda ayaa si rasmi ah ayaanan la helin ilaa hadda, sababo la xiriiro howlgalka oo ahay duqeyn dhanka cirka ah.
Saraakiisha ammaanka ayaa intaa ku daray in ay sifeeyeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Jeexjeex oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen howlgalo xooggan.
Xaalada ayaa hadda ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaano badan oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkan oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay ku guuleysatay.
Shalay ayay ahayd markii dagaal khasaare badan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Shabeelow ee koonfurta gobolkaasi, kadib weerar ay kooxdaasi ku qaadeen deegaanka kuwaas oo la kulmay iska caabbin adag.
HBN NEWS DESK