Dowladda Senegal oo xabsiga dhigtay Ra’iisal Wasaara hore iyo mid kamid ah murashaxiinta xilka madaxtinimada iyo mudaharaadyo ka dhacay dalkaas

Booliska ayaa xiray masuuliyiin ay u jiraan Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalkaas iyo musharrax caan ah, sidoo kalana bannaanbaxayaal  ayey u adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa xilli taageerayaasha mucaaradka ay ka mudaaharaadayeen go’aankii madaxweyne Macky Sall uu dib ugu dhigay doorashada Senegal.

Iska horimaadka ayaa dhacay Axadii, xilli xildhibaanada federaalka ay isku diyaarinayeen ka doodista sharciga si rasmi ah u dhigaya dib u dhaca codeynta ee 25-ka Febraayo.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay caasimadda Dakar ka dib markii ay hormuud u ahaayeen mucaaradka iyo musharixiinta doorashada madaxtinimo ay diideen ku dhawaaqistii Sabtidii waxayna ugu baaqeen muwaadiniinta inay difaacaan dimuqraadiyadda.

Dhanka kale, ECOWAS, urur goboleedka Galbeedka Afrika, ayaa ku baaqay wadahadal.

Dadka la xiray markii ay mudaaharaadyadu sii fideen waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Aminata Toure, iyo sidoo kale Anta Babacar Ngom, oo ka mid ah musharrixiinta doorashada dib loo dhigay.

Dawladdu waxay jartay signalka telefishanka gaarka loo leeyahay ee Walf markii uu mudaaharaadka si toos ah u baahinayey. Guddiga aan faa’iido doonka ahayn ee fadhigiisu yahay New York ee ilaalinta saxafiyiinta ayaa dhaleeceeyay tallaabada ay ku dhajiyeen barta warbaahinta bulshada ee X, iyagoo ku booriyay mas’uuliyiinta Senegal inay hubiyaan in “saxafiyiinta ay ku shaqeyn karaan caqabad la’aan”.

Ka hor inta aan dib loo dhigin, Senegal waxa mar hore ka dhex aloosnaa xiisado siyaasadeed iyadoo diidmada labada musharrax ee mucaaradka ay dhalisay isku dhacyo dhimasho badan dhaliyay.

Baaqa Sall ee ah in dib loo dhigo codeynta ayaa lagu sababeeyay khilaafka u dhexeeya garsoorka iyo baarlamaanka ee ku saabsan liiska ugu dambeeya ee musharraxiinta. Ugu yaraan laba ka mid ah 20-ka musharax ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan ololahooda loo qorsheeyay in uu furmo maalinta Axadda ah ee isbuuc kale.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed