Dowladda Masar oo war ka soo saartay qarax khasaaro xooggan dhaliyay ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Masar ayaa cambaareysay qarax shalay ka dhacay suuq ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho kaasoo oo ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux sidoo kalana ku dhaawacmeen ku dhawaad 20 kale.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo caafimaad degdeg ah u rajeysay dhammaan dadkii ku dhaawacmay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta oo Arbaco ah.

Masar ayaa qaraxaan ku tilmaamtay mid argagixiso, balse ilaa hadda ma cadda cidda ka dambeysay qaraxyadaasi ama sheegatay, dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeysay in ay ka dambeysay kooxda Al shabaab, oo dagaal culus kula jirto dowladda Soomaaliya  ku dhawaad 15 sano ee la soo dhaafay.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaano ay ku socdaan, welina masoo saarin wax faahfaahin ah oo ku saabsan qaraxyada ka dhacay suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed