Dowladda Markeykanka oo gadiid dagaal ku wareejisay Soomaaliya xilli uu socdo dagaaalka Al shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ku wareejisay gaadiid dagaal oo kala duwan kaasoo loogu talagalay in lagu qalabeyo ciidamada dowladda ee dagaalka kula jiro dagaallamayaasha Al shabaab.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta wareegay gaadiikaan oo lagu wareejinaayo ciidamada kumaandooska ee Danab.

Gaadiidkaan ayaa loogu talagalay inay ku howlgalaan guutada 16-aad ee kumaandooska Danab , waxaana Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu kula wareegay Muqdisho, kuwaas oo lagu soo bandhigay caasimadda

Sii hayaha xilka safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Shane L. Dixon, ayaa taliyaha ciidanka ku wareejiyay gaadiidkaan oo ah kuwa dagaalka.

,
dhanka kale Taliye ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa dowladda Mareykanka uga mahad-caliyay kaalinta muuqata oo ay ka qaadatay dib u dhiska ciidamada iyo sida ay u garab taaganyihiin ciidamada Soomaaliya.

Tallabadaan ayaa ku soo beegmeyso, iyada oo dhawaan Mareykanku uu cambaareeyay raashin loogu talagalay ciidanka Danab ee lagu iibiyay Suuqyada magaalada Muqdisho, kiiskaas ayey Washington ku sheegtay in ay ka fiirsan doonto taageerada ay siinayaan ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in loo xiray saraakiil ciidan isla markaana baaritaanno lagu sameyn doono, iyada oo lagu wareejiyay Maxkmadda Ciidamada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed