Dowladda Mareykanka oo war culus ka soo saartay weerarkii xalay lagu dilay saraakiil u dashay dalka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa ku biirtay cambaareynta weerarkii xooggana ee lagu qaaday tababarayaal ka tirsan ciidamada Imaaraadka iyo askar Soomaali ah oo ku sugnaa Muqdisho. War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi loogu diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas oo ahaa mid laga xumaado.

War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyay sida ay u garab taagan yihiin dowladda Imaaraadka Carabta iyo madaxda dowladda Soomaaliya, iyagoo garwaaqsan dadaalka geesinimada leh ee askarta ku howlan horumarinta xasiloonida Soomaaliya, ayaa lagu muujiyay war-saxaafadeedk, oo lagu daabacay barta X ee horay loo oran jiray Twiter.

Weerarkan oo lagu tilmaamay mid fuleynimo ah ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay dowladda Mareykanka oo ku nuux nuuxsatay in ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta nabadda iyo amniga.

Iyadoo baaritaanka weerarka uu socdo, Mareykanka wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inuu taageero dadaallada Soomaaliya ee lagu dhisayo mustaqbal nabad iyo barwaaqo u ah dadkeeda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed