Dowladda Mareykanka oo mar kale xaqiijisay in ay taageersan tahay madax banaanida, midnimada dhuleed ee Soomaalida.

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay inay ka go’an tahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, inkastoo Itoobiya ay duullaan gardarro ah ku soo qaadday Soomaaliya, taasoo la sheegay in ay wax uy dhibeyso  xasilloonida iyo xaaladda ammaan  ee Geeska Afrika.

Shir jaraa’id oo ay qabatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika, Mary Catherine Phee, waxay ku muujisay mowqifka Maraykanka ee xaaladihii ugu dambeeyey ee gobolka. Waxa ay sheegtay in Mareykanka uu la wadaago aragtida Midowga Afrika, IGAD, iyo ururada kale ee caalamiga ah iyo sidoo kale inta badan saaxiibada Afrika ee qaaradda, in loo baahan yahay in la ixtiraamo madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa kale oo ay sheegtay in dawladda Maraykanku ka walaacsan tahay cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska ay wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo wiiqi kara dedaallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo saamaynta taban ee ay ku yeelanayaan shacabka Soomaaliya. Waxa kale oo ay sheegtay in Maraykanku uu taageeray “wada-hadallada u dhexeeya dadka Soomaaliya iyo Somaliland ee ku saabsan mustaqbalka ay wadaagaan”.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed