Dowladda Federaalka oo ka hadashay dagaalka ka socda magalaada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha colaadda ku dhexmareyso magaallada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, ka dib warqad kasoo baxday wasaaradda arimaha gudaha Xukuumadda dalka.

Wasaaradda oo sheegtay in si dhow ay ula socoto colaadda labaddii maalmood ee ugu dambeeysay beelaha ku dhexmartay magaallada

Ceerigaabo ayaa ugu baaqdasy in si shuruud la’ aan ah loo joojiyo colaadda sababtay khasaaraha iskugu jira dhimasho, dhawac iyo barakac baahsan.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu sii daray in Maamullada, Odayaasha dhaganka, Culimada, Haweenka iyo guud ahaan waxgaradka deegaankaas ay u istaagaan joojinta colaadda, kana shaqeeyaan Xasilloonida iyo sidii nabad waarta loo heli lahaa.

Dagaalka ka socday magaalada Ceerigaabo ayaa sababay khasaare baahsan oo dad badan ku dhinteen, kuwaa oo aan tiradooda rasmiga ah la heyn, balse uu siyaaba kala duwan dadka deeganka u soo tabinayeen.

Somaliland iyo maamulka SSC-Khaatumo ayaa aan ka hadlin dagaalka inkasta oo xubnaha hubeysan ee ku dagaalamaya gudaha magaalada ay soo tabinayeen hadalo dhiilo xambaarsan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed