Dowladda Masar ayaa lagu wadaa in ay duulimaad toos ah ka bilowdo magaalada Qaahira ee dalka Masar, si ay u cusboonaysiiso suuqa duulimaadyada caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Diyaaradda Egypt Air ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay bilaabayso duulimaadyo ay ku tagayso magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxayna soo saartay xog ku saabsan duulimaadkeeda si ay u horumariso ganacsiga.
Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee shirkadda Egypt Air ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay ka kala kici doonaan magaalooyinka Qaahira, Muqdisho iyo Jabuuti.
“Akhbaar wanaagsan! Egypt Air waxay duullimaad cusub ku tageysaa Jabuuti iyo Muqdisho” ayaa lagu yiri bayaan ay shirkaddu soo saartay.
Waxa ay sidoo kale intaasi ku dartay in Duulimaadyadeedu ay bilaaban doonaan laga bilaabo 11-ka July ee sanadkan, waxaana ay tagi doonaan Soomaaliya iyo Jabuuti.
Sida qoraalka ku cad, diyaaradahoodu waxay ka soo duuli doonaan Qaahira labadii maalmoodba mar, iyagoo soo gaaraya Muqdisho, ka dibna ku hakan doona Jabuuti.
“Laga bilaabo July 11, 2024, diyaaradeena waxay ka duuli doontaa Qaahira Khamiis kasta iyo Sabtida waxayna tagi doontaa Muqdisho kadibna Jabuuti.” lagu daray
Shirkadda ayaa ku dhawaaqday in tallaabadan ay sare u qaadayso ganacsiga kala dhaxeeya Soomaaliya, sidoo kalena ay dabooli doonto baahida ka jirta, ayna wanaajin doonto xiriirka caalamiga ah ee labada dal.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa Soomaaliya ku soo badanayay diyaarado caalami ah oo ku sii jeeda dalal kale oo caalamka ah.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli shirkadda diyaaradaha ee flydubai ku dhawaaqday inay joojisay howlihii ay ku tagi jirtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho laga billaabo 11-ka June 2024 oo ay shalay ahayd.
HBN NEWS DESK