Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday hishiis muhiim ah xilli ay kulmeen wasiiradda diifaac, haddaba maxuu yahay hishiiskaas

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Difaaca ee dalkaas, kuwaas oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo khuseya labada dal, kaasoo sii xoogeysanayay taniyo 2011.

Kulanka Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Turkiga Yaşar Güler ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo dagaalka Al shabaab oo xilligaan uu ka socda gobollada dalka, iyo arrimo kale.

Sidoo kale Wasiir Nuur iyo Wasiir Güler ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah ee Difaaca iyo Dhaqaalaha oo sii xoojin doono amniga Soomaaliya iyo kan Gobolka, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Turkiga, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay kulankaan ayaa dowladda Turkiga ugu mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Hishiiskaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoojisay xiriirkeeda dhanka caalamiga iyo gobolka ah, taniyo markii Itoobiya ay hishiis baalmarsan dastuurka Soomaaliya iyo qawaaniinta caalamiga ah ay la gashay maamulka Somaliland, kaasoo dhaliyay xiisada Muqdisho iyo Adis Ababa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed