Dagaal xooggan oo soo bilowday galinkii hore ee maanta oo u dhexeeya Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Alshabaab ayaa ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo khasaare uu ka dhashay.
Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah dagaalka ayaa ku bilowday howlgal Ciidamada dowladdu ku burburiyeen goobo gabaad u ahaa Alshabaab, taasi oo keentay in dagaal toos uu dhexmaro, halka markii dambane sida hadalka looga dhigay uu sababtay in la gubay gadiid ay wateen kooxdu.
Ciidamada dowladda ayaa markale gacantooda waxaa kusoo laabtay magaalada Ceelbaraf, wallow dagaalku weli ka socdo duleedkeeda. Ciidamada Dowladda oo war hordhac ah ka soo saaray dagaalka ayaa sheegay in kooxda ka baxday magaalada Ceelbaraf, iyaga oo tilmaamay in hadda dagaalku uu wareegay dhinaca howdka.
Muuqaallo laga helay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugan banaanka magaalada ayaa muujinaya iyaga oo adeegsanaya qoryaha jugta culus iyo kuwa gaadiidka laga rido, inkasta oo aan la hubin inay haleeleen bartilmaameedkii liishaanka lala rabay.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

