Dooni kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen ayaa lagu afduubay meel aan ka fogayn gacanka cadmeed, kaddib markii ay isku dhaceen koox Soomaali ah , sida ay sheegtay hay’adda la socota dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo ammaanka badda,lagana leeyahay dalka Ingiriiska ee Ambrey.
Doonida ayaa la sheegay inay la socdeen 21 shaqaale ah , mid ka mid ah ayaana dhaawac culus uu ka soo gaaray isku dhaca, kaaso markii dambe ugu geeriyooday dhaawaca Boosaaso oo dib loogu celiyay doonida. Hay’adda Ambrey ayaa caddeysay in afduubka doonida uu ka dhashay khilaaf soo kala dhex galay kalluumaysatada Yemen iyo koox hubaysan oo maxalli ah oo ka hawlgala agagaarka Boosaaso, loomana diiwaangelin weerarkan fal burcad badeed.
Afduubka markabkan ayaa muujinaya khatarta ka imaan karta gacanka cadmeed, oo ah marin badeed muhiim ah oo uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo baahsan. Beesha caalamka ayaa weli ka feejigan iyadoo muranka gobolka uu weli saameynayo badqabka iyo amniga badda.
HBN NEWS DESK