Dilal argagax leh oo sababay dhimashada dad isku qoysah oo ka dhacay gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay uu ka dhacay deegaanka Saaxo ee galbeedka gobolka Mudug. Weerarkan oo loo aaneynayo aargoosi qabiil ayaa argagax iyo murugo ku reebay bulshada gobolka.

Sida ay sheegayaan wararka kooxo hubeysan ayaa weerar arxan darro ah ku qaaday guri ku yaalla deegaanka Saaxo, halkaasoo ay ku naf waayeen shan qof oo isugu jira dad waaweyn iyo carruur isku qoys ah. Nasiib darro, lix qof oo kale oo qoyska ah ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Faysal Sheekh Cali, Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadan foosha xun. Guddoomiye Faysal Sheekh Cali, oo tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii , waxa uu cambaareeyay colaadda macno-darrada ah ee mar kale gobolka ku habsatay.

Kooxdii hubeysneyd ee falkaan arxan darada ah ka dambeysay ayaa durbadiiba goobta isaga baxsaday,. Falalka noocaan oo kale ah oo ay fulinayaan kooxo hubeysan oo ka soo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland, ayaa hoosta ka xariiqaya in dagaal beeleedyo iyo xiisado  ay mar walba ka dhacaan deegaanadaasi.

Dilalka iyo weerarada soo noq-noqday ee lala xiriirinayo dhaq-dhaqaaq beeleedyada ayaa degdega ugu baahan  in si wada jir ah looga shaqeeyo wax ka qabashada, sida ay sheegeen dadka deegaanka ah, iyo  dib u heshiisiinta gobolka Mudug. Rabshadaha aan kala joogsiga lahayn ee ka socda gobolka ayaa wali galaaftay nolosha dad aan waxba galabsan, waxayna meesha ka saaraysaa rajadii laga qabay nabadda iyo xasiloonida gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed