Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Mudug ayaa sheegay in dib loogu noqdo heshiisyadii laga gaaray colaadihii horay u dhacay, lalana xisaabtamo dadkii jabiyey.
Deni ayaa dalbaday in wada hadal iyo nabad ay isugu yimaadaan wax garadka dhincyada dagaalamaya si colaaddaha daba dheeraaday loo soo afjaro.
Saciid Deni ayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka dalbatay inay gogol u fidiso dhinacyada dagaalamaya, iyada oo aan xabad iyo dagaal ku xalin kala aragti duwanaanta siyaasadeed.
“Waxaan baaqeyga kusoo celinayaa, in dowladda Federaalka ah waayeel noqoto aragti duwanaanta siyaasadeed xabad ku xalin, dadka Soomaaliyeed gogol u fidiso, dib la iskugu soo jiid” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Sida oo kale waxaa uu shaaciyey inuu jiro suuq weyn oo hubka loogu soo waarido, kaasi oo saylad u noqday qolyo gaar ah, sababayna inay is gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV