Inta la xaqiijiyey hal ruux oo Xabsiga dhexe ee Xamar ku xirnaa ayaa la toogtay, waxaana Wararka hordhaca ah oo la helayo ay tilmaamayan in maxaabiis ka mid ah kuwa ku xiran xabsiga Dhexe ee Xamar oo helay hub ay gudaha ka bilaabeen rasaas iyo Bambaanooyin sidaasna uu ku bilowday iska hor imaadka ka dhexeeya iyaga iyo ilaalada Xabsiga.
Rasaas teel-teel ah ayaa la maqlayaa walina ma suuragalin in la qabto ama la toogto maxaabiista gudaha xabsiga dhexe ka dhax dagaalamaya.
Wararka ayaa sheegaya in maxaabistan ahaayeen kuwa dambiya kala duwan loo heysto, halka qaarkood dil toogasha ah ku xukunnaayeen.
Weli dowladdu Soomaaliya kama hadlin dagaalkan ka bilowday Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyada oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in saraakiil ku dhaawacantay dagaalka.
Isha ku haay: HBN ONLINE TV