Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarnta gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal la isku adeegsanayo moocyada kala duwan ee hubka uu saaka ka qarxay dhanka waqooyiga bari ee magaalada.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalku uu u dhaxeeyo ciidamada maamulka Puntland & ciidamada gaarka ah ee PSF oo dhowaan sheegay inay ka amar qaadaayaan dawlada federaalka Soomaaliya.
Ilo wareed dhanka caafimaadka ayaa sheegay in waxyeelo ka dhalatay dagaalka ay soo gaartay dad rayid ah oo ku sugnaa gudaha magaalada, iyadoo ay haleeleen hoobiyaal iyo rasaasta la is waydaarsanayo, waxaana la sheegay in dhowr guri ay ku dhaceen hoobiyayaal, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada ka taagnayd xiisad colaadeed ka dib markii ciidamo taabacsan maamulka Puntland lagu soo kordhiyay ciidamadii hore ee magaalada ugu sugnaa iyadoo ay guuldarraysteen waanwaan iyo wadaxaajood lagu doonayay in dagaal lagaga baaqsado.
Ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalka oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya.
HBN Online TV

