Deegaan ku yaal gobolka Hiiraan oo xaalad ba’an ay ku jirto ka dib markii 20kii Liitar ee biyaha ah ay gaartay $5 doollar & qeylo dhaan la diray

Deegaanka Buula-Xarbooy Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ee Hir-Shabeelle waxaa ka jirta xaalad biyo la’aan ah oo aad u daran, isla markaana  aysan jirin Ceel ay dadku ka heli karaan biyaha, taasina ay keentay in ay u galaan safar dheer oo ku gaaraan Ceelal aad u fog.

Dadka ayaa sheegay in marka ay tagaan deegaanka ugu dhow oo ay ka heli karaan biyo ay cabbaan in 20kii Liitar kusoo iibsadaan lacag dhan $5 oo u dhiganta 135 kun oo Shillin Soomaali ah kuwaas oo shaaca ka qaaday in aysan awoodin helitaankeeda.

Guddoomiyaha Deegaanka Buula-Xarbooy Axmed Ciise Xasan ayaa Warbaahinta u sheegay in lacagaha badan ee Dadka ku heli karaan biyaha ay u baahan yihiin in xaaladdu kusii adkaysay sidaas awgeed ay dalbanayaan in Dowladda & cid weliba oo awoodda in ay qodo ceel-biyood sida ugu dhaqsiyaha badan.

Qoysaskaan oo noloshooda ku tiirsan falashada Beeralay & Dhaqashada Xoolaha waxaa saamayn taban ku reebay Isbaddelka Cimillada sida abaarta iyo Daadadka ka dhashay fatahaadda Webiga & Roobka.

Dadka inta badan ku nool deegaannadu ay marayaan Webiyada Dalka waxa ay cabbaan biyo caafimaad ahaan aanay wanaagsanayn, baahida u keeneysa isticmaalka biyahaas waa deegaannadooda oo aanay ka jirin Ceel biyood ay ka heli karaan biyo nadiif ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed