Dawladda Itoobiya oo sheegtay in ay ilaalineyso hishiiskii ay la gashay Somaliland iyada oo la kulmeyso cadaadis caalami ah

Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay inay wajaheyso cadaadis caalami ah oo ku aadan joojinta heshiiskii ay la galeen Somaliland. Iyadoo ay taasi jirto ayaa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay inay ka go’an tahay in la ilaaliyo heshiiskii ay la galeen Somaliland.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku soo beegmay iyadoo uu furmay toddobaadka Diblomaasiyadda, oo ah shir sannadle ah oo ay isugu yimaadaan safiirrada, madaxda safaaradaha iyo mas’uuliyiinta Itoobiya, kaasoo furmay Khamiistii.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya  oo soo xiray dood cilmiyeed ka dhacday Matxafka Sayniska ee magaalada Addis Ababa, kaasoo lagu xusayay furitaanka toddobaadka diblomaasiyadda. Dhacdadani waxay muujinaysaa dadaalka Itoobiya ee ku aaddan diblomaasiyadda caalamiga ah iyo iskaashiga gobolka.

Waxa uu intaa ku daray in siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya oo diiradda saaraysa diblomaasiyadda dhaqaalaha ay door weyn ka ciyaartay is-dhexgalka gobolka iyo maaraynta xidhiidhka dalalka deriska ah.

Heshiisku waxa uu ku saabsan yahay in Somaliland ay ka kiraysay Itoobiya 20 kilomitir (qiyaastii 12 mayl). Taas beddelkeeda, Somaliland ayaa lagu wadaa inay saamiyo ku yeelato diyaaradda Ethiopian Airlines, iyo inay hesho aqoonsi rasmi ah oo ah dal madax-bannaan.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ahna Guddoomiyaha KMG ah ee Urur Goboleedka IGAD, ayaa soo qabanqaabiyay kulan aan caadi ahayn oo looga hadlayo xiisadda sii xoogeysaneysa ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo Khamiista ka furmaya dalka Uganda.

Dalal iyo ururada  caalamiga ah, sida Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, OIC, Mareykanka, Shiinaha, Turkiga, Masar iyo Sacuudiga ayaa u ololeeyay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kuwaas oo ka horymid damaca Itoobiya ee Badda Cas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed