Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxwaeyne Axmed Maxamed Islaam Madobe in xiriir la sameeyey sida hadalka loo dhigay kooxda Alshabaab, ka dib war Saxaafadeed ka soo baxay dagaalkii ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa sheegtay in si gaar ah ay ula socoto Qorshe uu Madaxweyne Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay sida warka loo yiri Alshabaab, taas oo keentay in kooxda ay u ogolaatay in ciidamadiisa uu soo abaabulay ay soo dhexmaraan Maleeshiyaadka Kooxda.
“Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ula socota qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay Alshabaab, taas oo keentay in Alshabaab u ogolaato in kooxaha uu soo abaabulay ee duullaanka ku ah Ciidamada Qaranka ay soo dhexmaraan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sida oo kale warka ayaa la sii raaciyey in ficiladaasi uu ku muteysan doono ciqaab sharci oo adag, halka lagu tilmaaamay kuwa Qaran-dumis ah.
“Ficilada Qaran-dumiska ah waxa uu ku mutaysan doonaa ciqaab sharci oo adag” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca.
Dagaalka saaka ku dhexmaray Jubbaland iyo dowladda Federaalka Jubbada Hoose ayaa laga tabiyey khasaare kala duwan oo isu jira iyo dhimasho, dhaawac iyo burburka gaadiid.
HBN ONLINE TV