Xiisad colaadeed oo hor leh ayaa la soo sheegayaa in ay ka qaraxday deegaano ku yaal xuduudeedka Cafarta iyo Soomaalida ee dowlad deegaanka Soomaalida, kooxda xuquuqul insaanka ee Itoobiya ayaa walaac ka muujisay waxyeelada rayidka soo gaartay, ka dib dagaallo culus oo dhexmaray labada maleeshiyaad.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya degmada Cadda Cado ee ismaamulka Canfarta uu ka dhacay iska hor imaad khasaare dhaliyay oo sababay dhimasho dhaawac, barakac iyo afduub. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in maleeshiyo ka soo jeeda deegaanka Sitti ee gobolka Soomaalida ay weerar ku qaadeen dad rayid ah, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof.
Xiisado colaadeed ayaa ka taagan deegaanada xuduudka ay wadaagaan Canfarta iyo Soomaalida, iyadoo labada dhinac ay sheegeen in midba mid kale ay duulaan ku yihiin, mid ka mid ah ah dadka deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in maleeshiyaad ka soo jeeda Canfarta ay 50 KM u soo galeen dhulka Soomaalida ee magaalada Asbuli.
Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya ayaa walaac xooggan ka muujiyay iska horimaadyada soo cusboonaaday, khasaaraha rayidka, iyo barakaca tan iyo 06 June, 2024.
HBN NEWS DESK