Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka dhacay magaalada Bardaale . Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay sida ay sheegayaan ilo wareedyo rasmi ah oo deegaanka ah.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyo beeleed ay weerar culus ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed. Dad ku sugan degmada Bardaale ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xooggan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan
Warar horudhac ah ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, balse lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadkaasi.
Maleeshiyadan hubeysan ee la sheegay in ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay ku lahaayeen degmada Bardaale ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwii bishii hore si xoog ah looga saaray degmada, waxaana weerarkooda uu imaanayaa kadib markii la sheegay in waan lagu xalinayo xiisadaasi ay fashilantay.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay tahay mid aad u kacsan, iyadoo labada dhinac ay weli is hor fadhiyaan, lagana cabsi qabo in mar kasta ay dib u soo laabato colaadda.
HBN NEWS DESK