Dagaal culus oo markale Ciidamada dowladda iyo Alshabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan Shabellhaha dhexe

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka Guullane ay ku qaaday xubno Alshabaab ah oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo bilowday waaberigii hore ee saakay.

Weerarka oo la sheegay in sidii loo qorsheeyey uu u dhacay ayaa dowladda ku sheegtay in lagu dilay xubno badan oo ka mid ah kooxda Alshabaab, sida warbaahinta ay u sheegeen saaraakiil ka mid ah Ciidamada dowladda.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la fashiliyey weerar saaka kooxda Alshabaab dooneysay in lagu soo qaado fariisin Ciidamada ay ku lahaayeen duleedka deegaan lagu magacaabo Ceelbarwaaqo oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe,
Weeraradaada Saaka dhacay ka Shabeellaha dhexe ayaa laamaha amniga Soomaaliya carrabaabeen sida warka ay u dhigeen in lagu jabiyay kooxda, inkasta oo aanay soo sheegin tirada khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.

Galinkii dambe ee shalay Meel u dhaw deegaanka Labo-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay xubno Alshabaab ah, ka dib markii Ciidamada deegaanka ee Macawisleyda ay jidgal ku sameeyeen, dagaalkaasi oo koobnaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed