Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla gobolka Sool, taasoo argagax ku abuurtay bulshada degmada gobolkaas.
Warar ay heshay warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in dabku uu ka kacay xarun adeeg oo ku taal tuulada Bali-Hadhac oo ka tirsan degmada Laascaanood, waxaana ku dhintay shan qof, halka sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in hooyo uur leh iyo labo gabdhood oo ay dhashay ay ka mid yihiin dadkii ku waxyeeloobay dabkan naxdinta leh. Qoyskan oo iibsanayay dharkii Ciida ayaa la sheegay in uu dabku qabsaday, balse gabadha iyo aabaheed oo kaliya ayaan wax dhibaato ah soo gaarin, maadaama markii uu dabku kacayay aysan halkaasi ku sugneyn.
Dabka khasaaraha geystay ayaa waxaa si deg deg ah uga jawaabay maamulka degmada, iyadoo maamulka degmada Laascaanood ay u direen dab damis, gaadiid caafimaad iyo agab muhiim ah oo goobta gaaray. Dadka dhaawaca ah ayaa loola cararay cisbitaallada Laascaanood, Widwidh, iyo magaalooyinka ku dhow dhow, si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
Faah faahin ku saabsan waxa sababay dabkan ayaa ah mid aad u yar, balse wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka kacay goob suuq ah ka hor inta uusan ku fidin Kaalinta Shidaalka iyo goobaha kale ee ku dhow. Dedaalladii lagu doonayay in lagu xakameeyo dabka, loogana hortagayo khasaaraha kale ayaa waxaa caqabad ku noqday ololka sida xawliga ah u faafaya, kaasoo caqabad weyn ku noqday dadaallada dab-damiska.
Dadka dhintay oo ay ku jiraan hooyo xaamilo ah iyo gabdhaheeda yaryar ayaa dhibaato ku noqday bulshada, taasoo keentay in dadka deegaanka iyo masuuliyiintuba si isku mid ah uga tacsiyeeyaan.
HBN NEWS DESK