Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo cambaareeyay falkii naxdinta lahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhacdadii foosha xumayd ee dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho oo nin lagu eedeeyay inuu gubay xaaskiisa oo uur lahayd. Culumada ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, isla markaana si kulul uga hadlay dilkii loo geystay Hooyo uur leh  oo lagu dila caasimaadda.

Sheekh Cali Wajis oo ka mid ah culumaa’udiinka caanka ka ah dalka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii ay ka geeriyootay Luul A/Casiis iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay xanuunka iyo dhibaatada ay geysatay geerida naxdinta leh.

Wuxuu kaloo bogaadiyay soo qabashada Sayid Cali Macalin Daa’uud, isagoo dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horgeeyo, si looga hortago falalkan ka baxsan bini’aadanimada mustaqbalka.

Cali ayaa fariin guud u diray bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortago falalka arxan darada ah iyo dilalka arxan darada ah ee loo geysanayo dadka jilicsan.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ehelada marxuumka ay weli dalbanayaan in cadaaladda la horkeeno marxuumka si dambiilaha loo aaso.

Fal-dembiyeedka  lagu faafiyay baraha bulshada ayaa dhaliyay caro iyo cambaareyn guud ahaan Soomaaliya iyo caalamka oo dhan, iyadoo dadka ay dalbadeen in cadaaladda la horkeeno Eedeeysanaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed