Bayaanka ka soo baxay Culimada Ahlu-sunna Wal-jameeca ayaa lagu sheegay in khilaafka siyaasigga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleeyada ay ka gaaraan go’aan wada-hadal iyo isu tanaasul.
Waxaa ay sheegeen in Khilaafka taagan ay aad uga waalacsan yihiin Culumada Ahlu-sunna, waxaana ay ku booriteen dhinacyada siyaasadda in loo turo dad iyo dalka.
Sida oo kale, Alhu-sunna ayaa ku eedeysay kooxaha Alshabaab iyo Daacish inay Xasuuq iyo Dabar-goyn ay ku wadaan sida ay hadalka u dhigeen Ummadda Soomaaliya ee Muslimiinta.
Waxaa ay soo jeediyeen in lala dagaalamo kooxaha Daacish & Alshabaab oo ay ku tilmaameen inay cadow ku yihiin sida warka u yiraandeen jiritaanka dadka iyo dalka Soomaaliya.
“Culumadu Soomaaliyeed waxay bulshada ugu Baaqayaan in loo midoobo la dagaalanka Khawaarijta ” ayaa lagu yiri Bayaanka Ahlu-sunna.
Ugu dambeyn waxaa qabaa’ilada ku dagaallamaya gobolada dalka ay fareen inay ka waantoobaan dagaallada ay ku jiraan, kuwaa oo aan wax faa’iido ah u keeneyn.
HBN ONLINE TV