Cudur halis oo xoolo badan ku ku laayay gobolka Hiiraan isla markaana baaq loo diray hey’adaha caafimaadka ay khuseyso arrintaan

Cudurkan oo aan la aqoonsan ayaa ka dilaacay degmada Maxaas iyo deegaanada ku dhow dhow ee gobolka Hiiraan, kaasi oo dhibaato u geystay xoolaha nool, isla markaana rajo beel ku beeray xoolo dhaqatada. Wararka ayaa sheegaya in xoolo aan tiro lahayn ay u dhinteen cudurkan, kuwaas si weyn u saameyay dadka reer guuraaga ah.

Sida uu sheegay Maxamed Xalane Muumin Eelaay oo ka tirsan masuuliyiinta degmada Maxaas, cudurkan ayaa ah mid aad u badan, iyadoo ku dhawaad ​​62 qoys oo xoolo dhaqato ah uu saameeyay cudurkan. Masuulkaan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay sida uu cudurkani u socdo, isagoo xusay in sida degdega ah iyo dhibaatada uu u saameeyay xoolaha uu ku dhacay.

“Cudurkani waa mid cusub, oo neefku markuu xanuunsado habeen iyo maalin wuu xanuunsadaa intuusan dhiman. Waxay galaaftay nolosha xoola badan, iyadoo la sheegay in hal qoys ay ka dhinteen xoolo gaaraya 200 oo neef”.

Xaalada ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana la sheegay in xitaa dadkii cunay hilibka xoolaha uu cudurku ku dhacay ay xanuunsadeen. Maamulka degmada ayaa si deg deg ah ugu baaqay hay’adaha ay khuseyso in arrintan ay soo farageliyaan oo baaritaan dhab ah lagu sameeyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed