Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda waddooyinka isku xira gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.
Ciidamada wadajirka ah ayaa howlgallo ka sameeyay dhinacyada waddooyinka la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahannada Al-Shabaab, waxaana ay ka saareen halkaasi.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka, ciidamada ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo aan magacyadooda la shaacin, waxaana sidoo kale la burburiyay saldhigyo ay kooxdaasi lacagaha uga qaadi jireen gaadiidka kala duwan ee isticmaala waddooyinka.
Qaar ka mid ah Saraakiisha howlgalkaan bilaabay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo sugi lahaa amniga iyo ammaanka Wadooyinka isku xira Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, kuwaasi oo ay sheegeen in mararka qaar ay kooxahaasi lacago baad ah ka qaadi jireen dadka safarka ah, sida ay sheegeen.
Maalmihii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed.
HBN NEWS DESK