Ciidanka Itoobiya oo si rasmi ah ugu soo rogay bandow magaalad Doolow ee gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya ee aanan ku jirin howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ay halkaasi ka dhaqan galiyeen bandow, kaasoo lagu soo rogay dadka xilliga habeenkii, sida ay ku warramayaan ilo-wareedyo kala duwan.

Ciidanka Itoobiya oo ayaa horay u bilaabay dhaqdhaqaaq ciidan deegaanno ku yaal gobolka Gedo, isla markaana iaku ballaariyay  waddada xiriirisa Doolow iyo Beled-Xaawo, halkaasoo lagu dilay 6 qof oo Oromo ah bartimihii isbuucaan.

Falkaan la xiriiro ilaa 7 ruux ee lagu dilay magaalada Beled-Xaawo, kana soo jeedo Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya  ayaa dhaliyay caro iyo cambaareyn xooggan, xilligaasi wixii ka dambeeyay Itoobiyaanka ayaa bilaabay howlgallo xooggaan oo gobolka ah, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee degmadaasi.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland iyo dowladda Faderaalka Soomaaliya ee ku aaddan tallaabadaan ay qaadeen ciidanka Itoobiya ee soo rogay bandowga habeenkii ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed