Ciidanka dowladda Soomaaliya, iyo kuwa Jubaland ayaa howlgal ay si wadajir ah uga fuliyeen gobolka Jubada Hoose ku dilay 23 Ruux oo ka tirsan Al-shabaab, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Ciidanka qababka side ee Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhacay deegaanno hoostaga gobolka Jubada Hoose, halkaas oo shalay howlgalo kale ay ka fuliyeen Ciidan, kuwaas oo lagu dilay xubne ka tirsan Al shabaab.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in xubnaha la dilay ay ka mid ahaayeen laba hoggaamiye oo kala ah Axmed Cali Faarax (Abuu Cabaas) iyo Geedi Warfaa Cali (Abuu Muscab).
Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa Jubaland ka socday howlgallo abaabulan oo ka dhan Kooxda Al-shabaab, Waxana Fuliyay Ciidanka Dowladda iyo Jubaland.