Ciidanka Dowladda oo Al-Shabaab kala Wareegay Deegaanno Hor Leh

Ciidanka dowladda Soomaaliyaa ayaa la wareegay deegaaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo muddo dheer aya ka arriminayeen Al shabaab.

Deegaanadaan ay gacanta ku dhigeen Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa kala ah:  Tix, Baraag, Sheekh Cumar iyo Cali Axmed kuwaas oo hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Warbaahinta ku hadasha Afka Ciimada Soomaaliya ayaa sheegtay in jab xooggan ay gaarsiiyeen Al shabaab Ciidanka Dowladda kadib markii dagaal lagu qaaday  deegaanada ay ku sugnaayeen Kooxda As.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab ee ku aadan dagaalka looga saaray deeganadii ay muddo ka talinayeen.

HBN News Desk 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed