Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo xirtay koontarool muhiim ah oo ku yaal magaalada Garowe oo ay ku xayireen gawaari badan

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ciidamo gadoodsan  oo xirtay koontaroolka bari ee magaalada Garowe, ciidaankaan ayaa ah kuwa Booliiska ee loo yaqaan Birmadka, isla markaana waxay joojiyeen oo ay xannibeen isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha.

Ciidaankaan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan iyo xuquq kaga maqan xukuumadda oo ay sheegeen inysan ka helin muddooyinkaan, kuwaas oo ku doodaya in ay doonayaan helitaanka in si deg deg ah looga jawaabyo dalabkooda ku aaddan  xaquuqdoooda kaga maqan dowladda.

Ciidanka ayaa xiray waddo muhiim ah oo isku xirta caasimada Puntland iyo gobolada maamulkaas, taasoo ah mid halbowle ah oo si joogto ah gadiidku is adeegsadaan, balse gabi ahaanba waa jareen, waxana la arkayaa gawaariida oo  dhooban bartamaha laamiga.

Taniyo sannadkii dhammaaday dhowr jeer ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa xiray waddooyin badan, kuwaas oo ka cabanayay mushaar la’aan eedna u jeedinayay madaxweyne Saciid Cabullaahi Deno, oo ay sheegeen in arrimo kale uu u adeegsaday mushaaraadkoodii.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka ee ku aaddan ciidankaan maanta xiray wadada  koontaroolka bari ee magaalada Garowe ee ka cabanaya mushaar la’aanta.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed