Ciidamo gadoodsan oo xirtay waddooyinka soo gala garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso iyo qarax khasaaro dhaliyay oo halkaas ka dhacay

Ciidamo  lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa maanta xiray waddooyinka ku teedsan garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan, isla markaana xiray isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Ciidamadan ayaa markii dalka dib loogu soo celiyay dhowr bilood ka hor waxa ay tageen magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, iyagoo ku biiray ciidamada badda Puntland ee uu Imaaraadku bixiyo mushaaraadkooda.

Ciidamada ayaa maanta la wareegay afaafka hore ee laga soo galo garoonka diyaaradaha Boosaaso, halkaasi oo ay ku soo rogeen xayiraad ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo qarax maanta ka dhacay magaalada Boosaaso, sida ay wararku sheegayaan, waxaa ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland, ilaaladiisa iyo dad shacab ah.

Gaariga Taliyaha ayaa lagu qarxiyay Miino dhulka lagu aasay. Lama oga cidda ka dambeysay qaraxan, inkastoo qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Boosaaso ay sheegteen Al shabaab iyo daacish.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa waxaa halis ku ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo Booliska ay sheegeen inay qaadayaan tallaabooyin looga hortagayo kooxaha hubeysan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed