Ciidamo gaar ah oo maanta tababar loogu soo xiray maagaalada Jowhar isla markaana loo diyaarayay dagaalka Al shabaab iyo arrimo kale

Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Jowhar ayaa Madaxweynaha  Hirshabeelle Cali Guudlaawe waxa uu ku guddoominayay shahaado siinta cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isagoo ku guuleystay in tababar adag loo soo xiro ciidamada.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan. Mas’uuliyiinta Hirshabeelle ayaa sheegay in ay muujineyso sida ay uga go’an tahay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle xoojinta amniga iyo tayeynta ciidamada gaarka ah. Madaxweyne Guudlaawe oo la hadal jeediyay ayaa ku nuux nuuxsaday doorka istiraatijiyadeed ee ciidamadan sida gaarka ah u tababaran ay ka qaadan doonaan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda ee Al-Shabaab.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo loogu magac daray dufcadii 4-aad ee Booliska Hirshabeelle, ayaa waxay ka tirsan yihiin ciidanka daraawiishta. Madaxweyne Guudlaawe ayaa faah faahin ka bixiyay sida Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ay uga go’an tahay qaadista howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo tababarida ciidamo dheeraad ah. Ujeedka laga leeyahay habkan laba geesoodka ah ayaa ah in dib loo soo celiyo deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.

“Ciidankaan oo ah dufcadii 4-aad ee Booliska Hirshabeelle waxaa loo soo gaba gabeeyay tababar, dhawaan waxaa furmi doona waji cusub oo tababar ah, idinkana waad ka qeyb qaadan doontaan Inshaa Allaah” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

Waxaa uu hoosta ka xariiqday sida dowlad goboleedka ay uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha amniga iyo dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan leh.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed