Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah oo weerar cirka ah ku qaaday saldhigyada AS ee gobolka Jubbada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo maanta ka dhacday deegaan hoostaga gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, kaasi oo lagu beegsaday saldhigyo Al-Shabaab.

Weerarka oo ay fuliyeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa caalamiga ah ee dhanka ammaanka ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Yaaq-dabeel ee gobolkaasi, kuwaasi oo la sheegay in ay isku uruursadeen weeraro qorsheysan.

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xubnahan ay wadeen abaabul xooggan iyo dib u habeyn, islamarkaana ciidamada ammaanka ay xog ka heleen, ila bartilmaameedsaday saldhigyadii ay ku sugnaayeen.

“Howlgal qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada Mareykanka ay ka fuliyeen deegaanka Yaaq-dabel ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada AS oo abaabul ka waday deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay in goobta lagu dilay labo ka mid ah kooxdaasi, isla markaana la burburiyay weeraradii qorsheysan ee ay maleegayeen.

“Howlgalkan, waxaa lagu dilay laba xubnood oo kooxda ka tirsan, iyadoo lagu burburiyay shirqoolkii argagaxisada,” ayaa lagu daray qoraalka.

Weerarkan ayaa waxaa ka horeeyay mid kale oo xalay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan duleedka deegaanka Janaale, kaasi oo lala beegsaday Maxkamad ay halkaasi ku leeyihiin kooxdaasi.

Weerarkaas waxaa lagu dilay 7-dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan Horjoogayaal, sida ay sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weeraradan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda dhexe ay ku dooneyso in lagu soo afjaro kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah gobolada dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed