Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyay gaari ay wateen Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in lagu guuleystay in la fuliyo howlgal ciidan oo lagu burburiyay gaari ay la socdeen horjoogayaal muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Cali Xayle oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Howlgalka ayaa si gaar ah diiradda lagu saaray gaari caan ahaa oo lagu daabuli jiray xubnaha Al-Shabaab oo ay ku jiraan rag xilal sare ka haya ururka. Qorhashahaan lagu guuleystay ayaa qeyb ka ah ololaha ay dowladdu xoojineyso ee  xakameynta saameynta Al-Shabaab ee gobolka.

Warbixin ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in ay sii kordhayaan weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, taasi oo keentay in kooxda Al-Shabaab ay ka geystaan ​​khasaarooyin badan oo ay ka mid yihiin dhimashada dagaalyahano iyo horjoogayaal badan.

Saraakiisha gobolka iyo kuwa milateriga ayaa Khamiistii sheegay in duqeynta ay ku dileen ugu yaraan 20 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya. Sida lagu sheegay war kale oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, waxana lagu burburiyay guri ay ku shirsanaayeen madaxda kooxdaasi iyo sidoo kale Garaash lagu diyaarinayay baabuurta qaraxyada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed