Ciidamada Midowga Afrika oo la wareegaya Saldhigyada Muhiimka ah oo ay ka baxayaan Ciidamada Uganda

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga ayaa qorsheynaya inay la wareegaan 4 saldhig oo istaraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii Uganda ay billowday inay ciidamadeeda kala baxdo dalka.

Sida ay werisay wakaaladda wararka AP, warqad ka soo baxday howlgalka Midowga Afrika ayaa muujineysa in ciidamada AUSSOM ay la wareegi doonaan saldhigyada Sabiid-Caanoole, Bariire, Awdheegle iyo Buulo-naagad, si looga hortago in Al-Shabaab ay ka faa’iideysato firaaq amni.

Uganda ayaa shaacisay in ciidamadeeda ku jooga Soomaaliya heshiiska laba geesoodka ah ay baxayaan maalmo gudahood, halka ciidamada kale, oo ay ku jiraan kuwa AUSSOM, si tartiib ah looga saari doono dalka ilaa dhammaadka 2027.

Afhayeenka milateriga Uganda, Kornayl Chris Magezi, ayaa xaqiijiyay in qeybtii ugu horreysay ciidamada ay dalkooda dib ugu laabteen.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday ciidamada ku sugan Baraawe, isagoo faray inay kordhiyaan feejignaanta iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Falanqeeyayaasha amniga ayaa sheegay in dhaqaale yaraantu ay dedejisay bixitaanka ciidamada Uganda, isagoo ka digay caqabadaha amni ee ka dhalan kara.

Bixitaanka Uganda ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay weli wajahayso weerarro Al-Shabaab iyo caqabado ku saabsan awoodda ciidamada dowladda ee sugidda amniga dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed