Ciidamada Itoobiya oo la sheegay in dhaqdhaqaaqyo gobolka Hiiraan isla markaana laga yaabo in ay ka baxaan

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo dhanka kale uu jiro khilaaf u dhaxeeya labada dal oo ku saabsan heshiiska badda.

Dadka ku dhaqan deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay isaga baxaan saldhig muhiim ah oo dhowr jeer oo hore ay Al-Shabaab weerareen.

Xaalada ayaa ah mid kacsan iyadoo laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay si fudud u qabsadaan magaalada haddii ay isaga baxaan ciidamada Itoobiya oo aysan ku wareejinin saldhiga ciidamada dowladda.

ENDF ayaa dhawaan faarujisay saldhigii ay ku lahayd magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa si tartiib tartiib ah uga baxaya dalka Soomaaliya, maadaama waqtigoodu uu ku egyahay December 2024, sida uu qabo qorshaha KMG ah ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed