Ciidamada isku dhafka ah ee ku sugan furimaha dagaalka ee Galgaduud oo fashiliyay weerar qorsheysan oo ay soo qaaday kooxda Al shabaab

Ciidamada dowladda Federaalka oo kaashanaya maleeshiyaad deegaanka ah ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan weerar ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Wararka ka imaanaya howlgallada qorsheysan ayaa sheegaya in guulo laga gaaray kooxda maleeshiyaadka Al shabaab.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada milateriga Soomaaliya, ciidamada isku dhafka ah oo ay ku jiraan guutada 24-aad ee Khaalid Bin Waliid oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa si deg deg ah uga jawaabay xog sirdoon oo ku saabsan weerarka. Howlgalka oo ka dhacay duleedka Degmada Ceeldheer ayaa waxaa lagu soo afjaray xubnihii Al-Shabaab oo isku diyaarinayay in ay weerar qaadaan.

Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne oo ah taliyaha guutada 24-aad Khaalid Bin Waliid ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalladaasi. Dhagaweyne ayaa ku nuux nuuxsaday in Al-Shabaab looga adkaaday howlgalka wadajirka ah,isagoona hoosta ka xariiqay in guulo laga gaaray howlgalladaasi.

Xaaladda gobolka ayaa kacsan kadib howlgalladaasi,  Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaas uu ahaa mid lagu guuleystay. Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ah ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya. Hawlgalladaasi waxay horseedeen guulo la taaban karo, iyadoo meelo badan laga xoreeyay gacan ku haynta kooxda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed