Ciidamada isku dhafka ah ee dagaalka kula jiro Al shabaab oo maanta ka hortagay weerar lagu soo qaaday isla markaana furtay hub dagaal

Iska horimaad maanta  dhacay ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ee loo yaqaan waxaa u suurtagashay in ay iska caabiyaan weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Caad ee gobolka Mudug. Dowladda Soomaaliya ayaa dhacdadan xaqiijisay, iyadoo ka warbixisay khasaaraha ka dhashay, waxayna xaqiijisay in ciidamada dowladda Federaalka ay u diyaar garoobeen weerarka.

Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya isku dhafka ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ayaa lagu fashiliyay weerarkii AS ee lagu qaaday fariisimo ay ku lahaayeen deegaanka Caad. Dowladda ayaa soo bandhigtay feejignaanta ay ku jireen ciidamada wadashaqeynta, iyadoo sheegtay in si wanaagsan loo diyaariyay islamarkaana ay fashiliyeen isku dayo dhowr ah oo ay sameeyeen ururka Al shabaab ka hor inta uusan dhicin weerarka.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in hub ay ka qabsadeen  intii uu socday dagaalka, ayna ku guuleysteen inay dib u riixaan kooxihii weerarka soo qaaday. Si kastaba ha ahaatee howlgallada socda ayaa hadda ka socda baadiyaha ku xeeran magaalada Caad.

Wararka ka imaanaya Mudug ayaa sheegaya in magaalada Caad iyo deegaanada hoostaga ay ka taagan tahay xiisad dagaal kadib markii ciidamada Al shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidan.Galmudug ayaa shacabka kula dar daarmay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, iyagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la sii wado tallaabooyinka lagu xaqiijinayo ammaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed