Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo gacan ka helaya bulshada deegaanka ayaa xoojiyey howlgallada ay ka wadaan deegaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle. Sareeye Gaas Faarax Waasuge Kooshin Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada socda, isagoo tilmaamay in Al-Shabaab ay ku sugan yihiin Gobolka Hiiraan uu dib u dhac weyn ku yimid.
Weeraradii ugu dambeeyay ee cirka iyo dhulka ah ayaa lala beegsaday goobo badan oo ay ka mid yihiin Aadan Yabaal, Ceel Cali Axmed, Buq-Aqable, Buur Mayan, Shaw, iyo kuwa kale. Korneyl Kooshin ayaa ka warbixiyay khasaaraha ugu badan ee soo gaaray Al-Shabaab, isagoo carabka ku adkeeyay in khasaaraha naf iyo maalba ay gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Korneyl Kooshin ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada ay dhibaatadu ka dhacday in ay gacan ka geystaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in “Iskaashiga Ciidamada Dowladda iyo Bulshada Hirshabeelle ay guulo wax ku ool ah ka gaareen Khatarta Al-Shabaab, iyadoo loo diyaar garoobayo wejiga labaad ee howlgalka”.
HBN NEWS DESK