Ciidamada dowladda Soomaaliya oo cagta mariyay saldhigyo Al shabaaab ay ku qori jireen xubnaha ku biiraya dagaalyahannadooda

Ciidamada dowladda Federaalka gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Milateriga ayaa howlgalladan oo ahaa kuwo xooggan waxay ka fuliyeen deegaanada Misgaale, Warta Kormar, Duurow, Mintaanka, Qurunlow Asharaaf, Gololow, Goof Golol iyo Hareer Jiif, kuwaasi oo dhanka Bari iyo Koonfur Galbeed kaga beegan deegaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka Baay.

Goobaha howlgalka laga sameeyay ayaa la tilmaamay in Al-Shabaab ay ku lahaayeen saldhig ay ku diiwaan galiyaan xubnaha cusub ee doonaya in ay ku biiraan kooxda iyo meelaha ay lacagaha uga qaadi jireen dadka shacabka ah ee isticmaala wadooyinka soo gala Bay iyo Gobollada Bokool.

Taliyaha Ururka 47-aad ee qeybta 8-aad ee qeybta 60-aad ee dhulka G/sare Axmed Maxamed Nuur oo ku magac dheeraa Axmed Dhageey ayaa hogaaminayay ciidamada howlgalada ka sameeyay deegaanada hoos yimaada Goof-gaduud Buurey.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dagaallada ay dowladdu kula jirto Al-shabaab oo ka socda inta badan gobollada dalka kuwaasoo la doonayo in dalka looga xoreeyo dagaalyahannada Al shabaab

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya shacabka deegaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed