Ciidamada dowladda oo howlgal ka fuliyay deegaanno ku yaal Galgaduud isla markaana fashiliyay qaraxyo waddooyinka lagu aasay

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano kala duwan oo dhaca bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ciidamada ayaa gaaray deegaanada Cali Candhoole , Shikh Cabdullahi, Baraag Xaaji Dhagax iyo deegaano kale oo dhowr ah.

Ciidamada ayaa inta ey howlgalka ku jireen waxay so saareen tiro Miinooyin ah oo ay sheegeen in ay aaseen kooxda Al shabaab, kuwaas oo doonayay in ay ku dhibaateeyaan dadka rayidka ah, ciidamada ayaa burburiyay fariisimo ay lahaayeen maleeshiyaadka ururka Al shabaab.

Taliyaha Guutada Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa Xaqiijiyay in Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka ay Wali dhulka Howdka ah ku sii baacsanayaan firxadka xubnihii ka tirsanaa Al shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladaan ka dhanka ah Al shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulka Galmudug.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed