Ciidamada dowladda oo gacan ka helay Saaxiibada Caalamiga ah oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan AS ku dila Sh\ Dhexe

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxiibo caalami ah ayaa howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay 7 ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab iyo maleeshiyaad kale.

Warbaahinta ciidamada oo soo xiganeysaa saraakiil  sheegtay in Maleeshiyada lagu dilay howlgalkaasi ay ka mid yihiin Hogaamiyihii Kooxda ee deegaanka Ugunji, Osama, Cadnaan oo sidoo kale u qaabilsanaa diiwaan gelinta dadka iyo Yaxye oo ahaa ku xigeenka Hogaamiye ku xigeenka Maleeshiyaadka ee deegaanka Ugunji.

Howlgalka ayaa waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Ugunji oo ku dhow degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarkan ayaa daba socda maalmo kadib markii ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan afar ka tirsan ciidamada Imaaraatka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Baxreyn  lagu dilay weerar ay Al-Shabaab la beegsatay ciidamo ku sugnaa xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed