Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland oo kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose

Howlgalada wadajirka ah ee lagu adkeynayo amniga gobolka Jubbada Hoose ayaa ciidamada dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska DANAB oo gacan ka helaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland waxa ay si weyn u xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalkan wada ayaa sheegay in howlgalladan la kordhiyey ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu bartilmaameedsado ammaanka deegaannadii ay horay u joogeen Al-shabaab balse laga saaray, waxaa ay intaas raaciyeen in howlgaladaan looga goleeyahay in looga hortago rogaal celinta maleeshiyaadka kooxda.

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ay fariisimo cusub ka sameysteen tuulooyin dhowr ah oo ku teedsan Buula Xaaji, oo dhawaan laga saaray Al shababa. Saldhigyadan ayaa lagu sheegay  kuwa muhiim u ah hubinta gaadiidka iyo la socodka shaqsiyaadka ku dhex wareegaya aaggaas si looga hortago wax kasta oo lid ku ah amniga.

Howlgallada ayaa waxaa lagu taageerayaa agab ciidan oo dhameystiran, sida hub, gaadiid, iyo agabyo kale oo muhiim ah. Taageeradan ayaa qeyb ka aheyd in ciidamada ay si hufan uga hortagaan joogitaanka Al-Shabaab iyo in ay la wareegaan goobihii laga saaray.

Ciidamada oo howlgalkooda sii wata ayaa ujeedkoodu yahay in ay si joogta ah u sugaan ammaanka goboladaas, si loo sugo xasiloonida iyo amniga dadka deegaanka, loogana hortago in Al-Shabaab ay dib u soo ceshato awoodooda. Mawqifkan waa qayb ka mid ah istiraatijiyadda ballaaran ee lagu cirib tirayo khataraha kooxda ee gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed