Sida uu baahiyay Telefishinka Al Mayadeen oo soo xiganaya ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in shixnad militari oo Israa’iil laga keenay ay soo gaartay Soomaaliya, iyadoo lagu diiwaangeliyay magaca xafiis Qaramada Midoobay (QM). Xogtan uu sii daayay telefishinkan Lubnaan laga leeyahay ayaa lagu sheegay in shixnadda lagu geeyay Soomaaliya ku socotay imaanshaheeda diwaanka QM.
Sida warbixintu sheegtay, shixnadda oo culeyskeedu ahaa ku dhowaad 1,000 kiiloogaraam ayaa ka ambabaxday Tel Aviv, waxayna sii martay caasimadda Kenya ee Nairobi, ka hor intii aysan soo gaarin Muqdisho 21-kii bishii hore ee Juun.
Sidoo kale, Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in shixnaddu ay ka koobnayd nidaam isgaarsiineed oo heer sare ah, kaas oo loogu talagalay adeegsiga hawlaha militari iyo sirdoon. Waxay sheegeen in qalabkan ay farsamaysay shirkadda Mer Security and Communications, oo fadhigeedu yahay magaalada Or-Yehuda. Sida ay Al Mayadeen ka soo xigatay ilo-wareedyadeeda, shixnadda waxaa la wareegay xafiis Qaramada Midoobay ku leedahay Muqdisho.
Eedeymahan si madaxbannaan looma xaqiijin, mana jiro wax war ah oo ay si rasmi ah uga soo saareen Qaramada Midoobay ama dhinacyada kale ee lagu magacaabay warbixinta, iyadoo la xiriirta sheegashooyinkan.
HBN ONLINE TV

