Ciidamada amaanka Somaliland ayaa hawlgal adag oo saacado badan qaatay ku soo qab-qabtay darawal habeen hore fal argagax leh ka geystay magaalo xeebeedka Berbera ee isla maamulkaasi, ka dib markii uu si arxan darro ah dardaray ilmo yar oo 9 jir ah kaasoo baxsaday.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Booliska Somaliland, Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Maxamed Faarax Jaamac, waxaana lagu qabtay magaalada Burco asoo baxsad ah.
“Eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Farxaan Jaamac, oo ahaa darawalkii waday gaariga dilay cunug 9 jir ah, ayaa lagu xiray Burco, ka dib markii uu ka baxsaday goobta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Ciidanka Booliska Somaliland.
Gaariga shilka geystay ayaa markii uu shilka dhacay kadib waxaa lagu sii daayay gacanta ciidamada, waxaana ugu dambeyn la xiray darawalkii goobta ka baxsaday.
Inta uu socday howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay in ka badan 300 oo gaari oo isku nooc ah, kuwaasi oo la sheegay in ay ahaayeen kuwii looga shakiyay inay shilka geysteen, si loo helo eedeysanaha oo baxsad ahaa, ugu dambeyna gacanta lagu soo dhigay.
Ciidamada Somaliland ayaa digniin culus u diray darawalada kale, kuwaas oo loogu baaqay in ay ilaaliyaan bad-qabka dadka, isla markaana sheegay in darawalka eedaysanaha la horgeyn doono maxkamada si sharciga loo horgeeyo.
HBN NEWS DESK