Ciidamada ammaanka Puntland oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeeysan dilka ganacsade caan ka ahay magaalada Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysan oo la sheegay inuu magaalada Gaalkacyo ku dilay ganacsade Axmed Tahliil.

Xariga ayaa ka dhacay deegaanka Bursaalax ee galbeedka magaalada Gaalkacyo, kadib howlgal qorsheysan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Mudug iyo ciidamo uu wato.

Dableyda dilka geysatay oo ay wehliyaan rag kale oo la socday ayaa ka baxsaday magaalada Gaalkacyo kadib markii uu falkaasi foosha xun geystay, balse markii dambe ciidamada ayaa isku gadaamay oo ka soo qabtay halkii uu ku sugnaa. Xarigan ayaa ku soo beegmaya maalin ka hor markii Axmed Tahliil si xun loogu dilay goobtiisa ganacsi.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay ku labisnaayeen dareyska ciidamada, waxaana ay wateen gaari Probax ah. Si kastaba ha ahaatee, weli lama xaqiijin in dilka uu geystay hal qof ama dhowr qof oo weerarka soo qaaday.

Baaritaanka dilka ayaa weli socda iyadoo maamulka uu doonayo inuu ogaado xaaladda dhabta ah ee ku xeeran geerida Axmed Tahliil.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed